Fursad: Matalayaal goobta shaqada ee loogu Talagalay Dadka laga Tirada Badanyahay ee Maamul-Goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya
Click to read the application in English
Halkan riix si aad foomka Maay ugu akhrisato
Minority Rights Group, Save Minority Women and Children, iyo Marginalised Communities Advocacy Network ayaa 8 qof siinaya fursad ay muddo 11 bilood ah uga shaqeeyaan wasaaradaha dowladda koonfur-galbeed, waaxyaha ama hey’adaha dawladeed ama Baarlamaanka Federaalka ah ama (xafiis ama guddi khuseeyo KGS)
Ujeeddada qorshahaayaa ah in la kordhiyo kaqeybgalka shakhsiyaadka laga tirade badan yahay in ay ka qeybgalaan go’aannada dawladda, dejinta siyaasadda iyo hirgelinta. Nidaamku waxaa kale oo loogu tala galay inuu taageero abuurista koox kooban oo xirfadlayaal ah iyo shakhsiyaad laga tirabadanyahay oo saameyn kulahaada kuwaasoo awood u leh inay kaalmo ka geystaan saameynta siyaasadda oo ayna noqdaan buundada u dhexeysa siyaasadda iyo bulshooyinka laga tirade badan yahay.
Matalayaashaas waxay helidoonaan gunno bil kasta ah, oo u oggolaanaya inay helaan /cusbooneysiyaan qalabka isgaarsiinta ee ku habboon iyo tababarka iyo la talinta meeleynta sannadka oodhan.
Si ay uga qeyb qaataan, musharraxiinta waxaa laga rabaa in ay waafaqaan shuruudaha hoos ku xusan:
- Inuu shakhsi ahaan yahay xubin ka tirsan beelaha laga tira badanyahay ama la hayb sooco ee jooga Gobolka Koonfur-Galbeed
- Asa lahaan ama qowmiyad ahaan inuu kasoo jeedo Koonfur Galbeed ama deggenaa Koonfur Galbeed 5 tii sano ee lasoo dhaafay
- Inuu heysto shahaaddo jaamacadeed (Bachelor’s Degree) AMA inuu dhammeystay 2 sano heer waxbarasho jaamacadeed, AMA uu soo qaatay ugu yaraan 4 sano waayo-aragnimo shaqo ah oo uu u leeyahay ama ku leedahay goob xirfadeed oo ku haboon oo uleh heer mas’uuliyadeed oo u dhiganta tan laga filayo asxaabta ama shakhsiyaadka la siinayo meeleynta shaqada.
- Inuu leeyahay diiwaan la hubo inuu ku firfircconyahay taageeridda beelaha laga tirada badanyahay ama la hayb sooco oo ay ka mid yihiin: tabarruc dhalinyaro, shaqo u doodid dhanka bulshada, shaqo u qabasho bulshada, ama cilmi-baaris, ama wax qabad loola yeesho bulshooyinka laga tirada badanyahay
- Da’diisu inay ka yar tahay 40 jir 1da bisha Diseember 2023
- Inuu shakhsigaasi awoodo inuu muujyo inuu indhaha ku hayo dariiqa ama tubta loo maro shaqo oo diiradda lagus aarayo adeegga bulshada ama inuu keeno sabab qeexan oosoo jiidasho leh oo looga gudbi karo dariiqa shaqo oo noocaasoo kale ah
- Inuu aqoon fiican u leeyahay si fiicanna ugu shaqeyn karo Af-Soomaaliga Maxaatiriga ah
- Inuu diyaar u yahay inuu ka shaqeyn karo uu fadhiisan karo Baydhabo, Baraawe, ama Muqdisho, (shaqsiyaad kaas waxaa loo qoondeyn karaa boos iyagoo loo fiirinaayo boosaska bannaan ayagoo aan dooran karin hadba meeshay rabaan); sikastaba ha ahaatee, waxaan fahamsannahay mas’uuliyadaha xagga daryeelka oo shakhsiyaadkani ay yeelan karaan iyo siadoo kale arrimo xagga amniga la xiriira. U guuritaanka meelo gaar ah waxay yareyneysaa ama keeni doontaa habab aan uga shaqayno arrimahaas mar walboo suurtagalay ay tahay
Koox ahaan asxaabtu ama shakhsiyaadkan waxay ka kala soconayaan qeybaha kala duwan ee bulshooyinka laga tirada badan yahay ilaa iyo intii suurta gal ah. Shan ka mida 8 ka xubnood waxay noqonayaan haweenka ka tirsan dadka laga tirade badanyahay; sidaas darted dumarka waxaa lagu boorrinayaa inay ka soo qeyb galaan. Tobankii qofba saddex in ka badan ma noqon karaan dad kasoo noqday dibadda KGS ama meel ka baxsan Soomaaliya tiro aan kabadneyn 3 ka mida 8 da qof oo da’doodu aan ka weynaan Karin 30 sano. Sideedda qof ma aha in ka badan 3 inay asal ahaan kasoo jeedaan Raxanweyn. Waxaan rajeyneynaa in ugu yaraan 8 da qof ee laga tirada badan yahay mid ka mida uu yahay qof naafo ah (ama qof khibrad u leh daryeelka xubnaha qoyska ee la nool dadka naafada ah.
Wixii faahfaahin dheeraad ah ka fiiri qeybta FAQs halkan
Si aad u codsato, buuxi foomkan, lifaaq ahaan u dir dukumentiyada. Hadii aad culays la kulanto ku dir foomka iyo dukumentida kale: somalia@minorityrights.org ugu dambeyn 30 ka Nofembar 2023.